
Shabakada Opta ayaa saadaalisay kooxda ku guulaysan doonta premier League xilli ciyaareedkan.
Tartanka premier League ayaa waji kale yeeshay kadib markii ay Chelsea ka badisay kooxda difaacanaysa horyaalka ee Liverpool.
Dhinaca kale kooxda Arsenal ayaa ka badisay West Ham iyaga oo si buuxa ula wareegay hogaanka premier League.
Opta ayaa saadaalisay in y Arsenal ku guulaysan doonto Premier League iyaga oo heli doona 77 dhibcood iyaga oo ka horayn doonta Liverpool oo loo saadaaliyay 75 dhibcood.
Kooxda Man City ayaa loo saadaaliyay kaalinta 3-aad iyaga oo loo saadaaliyay 68 dhibcood.
Kooxda Crystal Palace ayaa loo saadaaliyay kaalinta 4-aad iyaga oo loo saadaaliyay 63 dhibcood halka Chelsea loo saadaaliyay 61 dhibcood xilli ciyaareedka.
Be the first to comment