Arsenal Iyo Man United Oo Dhirbaaxo Kala Kulmay Baacsigii Ay Ugu Jireen Viktor Gyokeres

Kooxaha Arsenal iyo Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in ay jug kala kulmeen dadaalkii ay ugu jireen saxiixa weeraryahanka kooxda Sporting Lisbon Viktor Gyokeres.

Gyokeres ayaa ka mid noqday xiddigaha ugu fiican weerarka xilli ciyaareedkan isaga oo wacdaro ka dhigay kooxda.

26 jirkaan ayaa dhaliyay 43 gool 50 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeeyay ee ciyaartoyga Sporting, oo ay ku jiraan 29 gool oo horyaalka ah si uu kooxdiisa uga caawiyo in ay kor u qaado horyaalka Primeira Liga.

Gyokeres ayaa haatanba bar-bareeyay goolashii xilli ciyaareedkii hore, isagoo dhaliyay 43 gool 43 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Natiijada qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah, Gyokeres ayaa si weyn loo filayaa inuu ka tago Sporting xagaagan iyadoo ay jirto xiiso ay u qabaan kooxo badan.

Arsenal iyo Man United ayaa ka mid ah kooxaha lala xiriirinayo inay u dhaqaaqi karaan xiddiga Sporting suuqa kala iibsiga ee soo socda.

Sida laga soo xigtay The Sun, kooxaha sida Arsenal iyo Man United ayaa tartan kala kulmaya kooxda Saudi Pro League ee Al Qadsiah.

Sporting ayaa la filayaa inay u ogolaato Gyokeres inuu ku baxo qiimo ka hooseeya 85 milyan oo euro oo lagu burburin karo qandaraaskiisa, iyadoo kooxda reer Portugal ay dalban doonto qiimo u dhexeeya 55 ilaa 70 milyan.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Sporting ay isku dayi doonto inay sare u qaaddo qiimaha hore ee Gyokeres, si ay u helaan bedel ku habboon.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga