Barbardhac goolal la’aan ah ayaa lagu kala baxay kulankii ugu muhiimsanaa wareegga 21-aad ee Horyaalka Ingiriiska Premier League, kaas oo dhex maray Arsenal iyo martidooda Liverpool, kuna qabsoomay garoonka Emirates Stadium.
Natiijadan barbaraha ah kadib, Arsenal waxay dhibcaheeda gaarsiisay 49 dhibcood, iyagoo weli ku sii haya hoggaanka horyaalka, isla markaana lix dhibcood ka sarreeya Manchester City iyo Aston Villa oo kala galay kaalmaha labaad iyo saddexaad, mid walbana leh 43 dhibcood. Dhanka kale, Liverpool dhibcaheedu waxay gaareen 35, taasoo ka dhigtay inay ku jiraan kaalinta afraad.
Ciyaartu waxay ahayd mid aad u tartan badan, gaar ahaan qeybtii labaad, iyadoo labada kooxood ay marba marka ka dambeysa la wareegayeen gacan-ku-haynta ciyaarta. Inkastoo ay jireen difaacyo adag iyo weerarro dhowr ah, haddana midna kama faa’iidaysan fursadihii ay heleen, taasoo keentay in ciyaartu ku dhammaato barbaro goolal la’aan ah.
Kulanku wuxuu muujiyay awoodda difaac ee labada kooxood, maadaama ciyaartoyda Arsenal iyo Liverpool ay si guul leh u joojiyeen weerarro abaabulan. Sidoo kale, ciyaartu waxay ahayd dagaal xeeladaysan oo u dhexeeya labada tababare, iyadoo ay yaraayeen fursado dhab ah oo goolal lagu dhalin karo, inkastoo xawaaraha iyo dadaalka labada dhinac ay jireen.
Daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta, xiisad ayaa ka dhex dhalatay ciyaartoyda labada kooxood kaddib markii Bradley uu dhulka dhacay. Martinelli ayaa kubadda ku dhuftay isaga, kadibna bannaanka garoonka ka riixay, taasoo dhalisay muran iyo isku dhac dhex maray labada kooxood. Garsooraha ayaa markaas soo farageliyay si uu xaaladda u dejiyo una soo celiyo kala dambeynta.
Be the first to comment