
Theo Walcott ayaa magacaabay kooxda ugu cad-cad ku guuleysiga Champions League ka dib markii la xaqiijiyay afarta semi-finalka.
Mid ka mid ah Arsenal, Paris Saint-Germain, Barcelona ama Inter Milan ayaa loo caleemo saari doonaa champions League xilli ciyaareedkan.
Kooxda Arsenal oo ku jirta kaalinta labaad ee horyaalka Premier League ayaa soo bandhigtay laba qaab ciyaareed oo cajiib ah oo ay 5-1 ku garaacday Real Madrid labadii kulan ee 8 dhamaadka champions League.
Arsenal ayaa wajihi doonta PSG semi-finalka ka dib markii kooxda heysata horyaalka France ay garaacday kooxda Aston Villa.
Kooxaha Barcelona Iyo Inter ayaa iyaguna iska xaadiriyay wareega Semi-final-ka champions League.
Walcott ayaa aaminsan in ay kooxdiisii hore ee Arsenal ugu cad-cadahay ku guulaysiga champions League.
“Waxa aan doonayaa in ay Arsenal ku guulaysato champions League shaki la’aana way awoodaa”ayuu u sheegay BBC Sport.
“Iyaga ayaa ugu cad-cad haatan kadib markii ay garaaceen Real Madrid, Laakiin waxa aan ka yara walaacsanahay Inter Milan, qaabka ay difaaca u galaan waxa ay haystaan fursad”
“Weli aad ayay u furan tahay, si kastaba ha ahaatee, mana saadaalin karo Semi-final-ka iskaba daa Final-kee aad bay u adag tahay in la sheego cidda ku guuleysan doonta hubaal.”
Be the first to comment