Arsenal Haatanba Way La Soo Saxiixatay Weeraryahan.

Martin Keown ayaa aaminsan in laga yaabo in Arsenal ay mar hore heshiis la gaartay weeraryahan cusub ka hor suuqa kala iibsiga xagaagan.

Gunners ayaa 12 dhibcood ka dambaysa Liverpool tartanka Premier League iyada oo 9 kulan oo kaliya ka dhimantahay dhamaadka xilli ciyaareedka.

Weeraryahano badan oo magac leh ayaa lala xiriiriyay kooxda ka dhisan waqooyiga London ka dib dhaawacii soo gaadhay Gabriel Jesus.

Xiddigo ay ku jiraan Alexander Isak, Ollie Watkins, Alvaro Morata iyo Benjamin Sesko ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda Arsenal bilihii gu dambeeyay.

“Kaliya waxaan dareemayaa Isak, hadda waxay [Newcastle] ku guulaysteen [koobkaa], aad ayay u adkaan doontaa in uu ka tago”ayuu yidhi.

“Kooxaha uGu waaweyn ee adduunka ayaa doonaya saxiixiisa”ayuu sii raaciyay.

“Waxa aan qabaa in ay haatanba weeraryahan la soo saxiixdeen”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga