
Xilli ciyaareedkii saddexaad oo xidhiidh ah, Arsenal waxa ay u muuqataa in ay ku dhamaysan doonto kaalinta 3-aad ee kala Saraynta Premier League xilli ciyaareedkan.
Haddii ay doonayso inay hal tallaabo hore u sii socoto xilli ciyaareedka dambe, waxa ay u baahan tahay inay suuqa fiican qaadato xagaaga.
Lama saadaalin karo booska ay Arsenal muhiimada siin doonto si ay u xoojiso laakiin waxa ay aad ugu baahanyihiin Weeraryahan Cusub.
Isagoo ka hadlayay ESPN, Steve Nicol ayaa ka hadlay wararka Iska la xidhiidhinay Arsenal wuxuuna sheegay in Gunners ay noqon doonto kuwa ugu cadcad ku guuleysiga Premier League xilli ciyaareedka soo socda haddii ay la soo wareegaan xiddiga Newcastle.
“Isagu waa mid aad u fiican, gabi ahaanba waa mid ka mid ah kuwa ugu fiican Yurub, hadii aad leedahay hami ama hamiga ugu sareeya ee aad ku doonayso inaad ku guulaysato Champions League, waa inaad la soo wareegto isaga,” Nicol ayaa yidhi.
“Marka laga hadlayo Arsenal waxa uu gabi ahaanba samayn lahaa farqiga, inta kulan ee ay bar-baro galeen ama guuldarada ku dhamaadeen sababta oo ah Weetaryahanan la’aan”.
Be the first to comment