Arne Slot Oo Taageerayasha Liverpool Xasuusiyay tababare Jurgen Klopp Kadib Guushii Etihad.

Kooxda Liverpool ayaa garaacday Man City kulan ka tirsanaa premier league.

Goolal ay dhaliyeen Salah iyo Szoboszlai ayaa Liverpool Ka caawisay in ay garaacdo kooxda Man City.

Slot ayaa taageerayasha Liverpool xasuusiyay tababare Jurgen Klopp kadib guusha ay Liverpool Ka Gaadhay Man City.

Tababare Arne Slot ayaa Klopp ka badalay shaqada Liverpool dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Slot ayaa sameeyay wax uu Jurgen Klopp sameeyay xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee kooxda Liverpool.

Xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ee Arne Slot ee kooxda, Liverpool ayaa laba jeer ka badisay Manchester City markii ugu horeysay tan iyo 2015-16 (taas oo ahayd xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ee Jürgen Klopp).

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga