Arne Slot Oo Sharaxay Sababtii Uu U Badalay Trent Alexander-Arnold Kulankii Brentford.

Tababaraha Liverpool Arne Slot ayaa sheegay in uu daryeelayo Trent Alexander-Arnold isagoo bedelay intii lagu jiray kulankii Axadii ay 2-0 kaga badiyeen Brentford.

Reds ayaa guul gaartay kulankii ugu horeeyay ee tartan rasmi ah oo ay ku ciyaaraan garoonkeeda tan iyo markii uu bedelay Jurgen Klopp garoonka Anfield.

Goolal ay kala dhaliyeen labada qeybood ee Luis Diaz iyo Mohamed Salah ayaa keentay in Liverpool ay saddexda dhibcood hesho.

Alexander-Arnold ayaa la badalay 72 daqiiqo ka dib, waxaana lagu bedelay Conor Bradley, laakiin 25-sano jirkaan ayaa u muuqday mid ka xanaaqay badalkaas.

Shirkiisii ​​jaraa’id ee ciyaarta ka dib, Slot ayaa wax laga waydiiyay badalka Alexander-Arnold.

“Ma uusan u muuqan mid faraxsan ka dib markii laga saaray ciyaarta”ayuu yidhi.

“Ciyaaryahan kastaa waxa uu rabaa in uu ciyaaro 90-daqiiqo laakiin uma malaynayo in ciyaartoydii kursiga kaydka ku jiray bilowgiiba ay runtii ku faraxsanaayeen doorashada aan sameeyay”.

“Laakin Trent waxa uu ka soo laabtay xulka qaranka halkaas oo bilowgii tartanka uu u ciyaaray wax badan,kadibna muusan ciyaarin,waxa uu qaatay dhawr todobaad oo fasax ah,waxa uu soo laabtay,waxa ay ahayd kulankiisii ​​3-aad oo kaliya waxana waajib nagu ah in aanu ilaalino isaga sababta oo ah waxa aan u baahanahay xilli ciyaareedka oo dhan”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga