Arne Slot Oo Loo Sheegay Badalka Macquulka Ah Ee Mohamed Salah

Danny Murphy ayaa u sheegay tababaraha kooxda Liverpool ee Arne Slot in xiddiga Real Madrid ee Rodrygo hadii uu ka Tago Salah kooxda xagaaga.

Salah ayaa ku jira bilihii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa Liverpool walina heshiis cusub uma saxiixin kooxda.

Waxa si weyn loo filayaa in uu Salah si xor ah uga Tago kooxda marka uu dhoco heshiiskiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Mar la weydiiyay ciyaartoyda Yurub sida ugu fiican u buuxin kara booska Salah, Murphy ayaa u sheegay OLBG: “Hadii Liverpool ay rabto hal ciyaaryahan si uu u bedelo Mohamed Salah, dooqa iigu cad waa xiddiga Real Madrid ee Rodrygo”

“Ma garanayo waxa uu xaaladiisa qandaraaska ku joogo Madrid, laakiin waxaan qabaa in uu yahay xiddig buuxin Kara booska Salah”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga