Arne Slot Oo Kooxdiisa Xasuusiyay Wixii Ku Dhacay Arsenal Kadib Markii Ay 8 Dhibcood Ku Qabteen Hogaanka Premier League.

Arne Alot ayaa xasuusiyay ciyaartoydiisa Liverpool wax ku saabsan horyaalka Premier League ee Arsenal oo burburay ka dib guushii 3-2 ay ka gaareen Southampton Axadii.

Ka dib guuldaradii 4-0 ee Manchester City gurigeeda kaga soo gaartay Tottenham fiidnimadii sabtida, Liverpool ayaa ka faa’ideysatay fursadeeda ah inay sideed dhibcood oo nadiif ah ku qabato hogaanka Premier League iyagoo ku badiyay St Mary’s.

Laakiin isagoo hadlaya ciyaarta ka dib, Slot wuxuu doonayay inuu farta ku fiiqo in Arsenal ay lumisay hogaanka premier Leagie oo ay 8 dhibcood ku haysay bishii March 2023 ka hor inta ayna kooxda Pep Guardiola ee Man City ku guulaysan horyaalka.

Markii la waydiiyay 8 dhibcood ee ay ku qabteen hogaanka kadib 12 kulan premier League waxa uu Slot yidhi”ma ahan in aan is dhigano waan ognahay in aan badano kulamada”.

“Waxa aan qabaa xilli ciyaareedkii hore in ay Arsenal 8 dhibcood ku hogaaminaysay horyaalka kadib Man City soo laabatay, sidaas darteed hadii aad wajahayso kooxaha Arsenal, City, chelsea iyo Tottenham waa in aad badiso dhamaan kulamada”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga