Arne Slot Oo Ka Hadlay Fashilkii Saxiixa Marc Guehi

Arne Slot ayaa markii ugu horreysay si dadban uga hadlay burburkii ku yimid heshiiskii Marc Guehi ee Liverpool maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga, kaasoo kusoo idlaaday marxaladihii ugu dambeeyay.

Marc Guehi wuxuu maray tijaabada caafimaadka ee London si looga hortago wax caqabad ah oo ka hor yimaada heshiiska la filayay ee uu ugu biirayay Liverpool, taasoo muujisay in heshiisku uu aad ugu dhowaa dhammaanshaha.

Si kastaba ha ahaatee, go’aamo la xiriiray dhinacyo ka baxsan gacanta Liverpool ayaa sababay in heshiisku burburo, taasoo keentay in Guehi uu sii joogo Crystal Palace garoonkooda Selhurst Park.

isagoo ka hadlay arrintaas shir jaraa’id oo uu qabtay kahor kulanka Premier League ee ay kooxdiisu la ciyaarayso Burnley Axadda.

“Waa wax laga qoslo haddii aan beeniyo inaan si aad ah ugu dhowayn saxiixa Guehi. Warkaasi aad buu u furan yahay, waana iska cadahay in uu heshiisku aad u dhowaa”.

“Waxyaalahan waa kuwo kubadda cagta ka dhaca. Mararka qaar waxay ku dhacaan ciyaartoydeena ama kooxaha kale. Ciyaartoy ayaa u malaynaya inay meel kale ku biirayaan, markaasna wax baa is beddela daqiiqadihii ugu dambeeyay.”

“Anaga ahaan, dabcan waan jeclaan lahayn inaan saxiixno, maxaa yeelay si dhab ah ayaan u xiiseynaynay. Laakiin maalmo kooban ka hor, waxaan la ciyaarnay Arsenal oo ay Ibou (Konaté) iyo Virgil (van Dijk) si cajiib ah u ciyaareen, Joe (Gomez)-na wuxuu kusoo galay 20-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay isagoo isna si heer sare ah u ciyaaray.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga