
Antony ayaa shaaca ka qaaday in mid ka mid ah saaxiibadiisa Manchester United uu si gaar ah uga codsaday inuu kooxda joogo, ka hor inta uusan dhamaystirin wareegistiisa ugu dambeysay ee uu ugu biiray Real Betis maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga.
Antony, oo ay Manchester United kaga soo iibsatay Ajax sanadkii 2022 £82 milyan, ayaa laga saaray kooxda koowaad ee Ruben Amorim, waxaana uu qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii hore amaah ku joogay Real Betis.
Inkastoo uu si fiican ugu soo laabtay kooxda reer Spain, haddana Antony waxaa loo sheegay inuusan mustaqbal ku lahayn Old Trafford, isagoo xagaaga ku qaatay isagoo ku nool hotel, islamarkaana si gooni ah u tababaranayay kooxda inteeda kale.
Inkasta oo uu isagu rabay inuu baxo, sidoo kalena kooxda ay dooneysay inay fasaxdo, haddana Antony wuxuu sugay illaa maalintii ugu dambeysay ee suuqa si uu ugu wareego Betis heshiis rasmi ah oo ku kacaya £21.65 milyan.
Markii uu ka hadlayay waayihiisii adag ee ugu dambeeyay ee uu ku qaatay England, Antony ayaa si gaar ah u xusay saaxiibkiis Matheus Cunha, oo xagaagii uga soo biiray Manchester United kooxda Wolves, isagoo ku tilmaamay saaxiib weyn oo garab istaagay intii uu la tacaalayay bilihii culus ee la soo maray.
Antony ayaa sheegay in Cunha uu si weyn u caawiyay marka uu dareemayay kalinimo iyo niyad-jab, isagoo ahaa mid garab taagnaa xilliyada uu tababarka ka maqnaa kooxda koowaad, kuna noolaa hotel si kaligiis ah ah inta lagu guda jiray xagaaga.
Cunha, oo ah xiddig ay isku waddan yihiin (Brazil), ayaa u muuqda inuu door weyn ka qaatay taageeridda Antony xilli uu ka haray qorshaha Ruben Amorim ee Old Trafford.
Antony ayaa sheegay in saaxiibkiis iyo waddankiisa ah, Matheus Cunha, uu xitaa isku dayay — balse si aan guul lahayn — inuu ku qanciyo inuu sii joogo Manchester United ka hor inta uusan u wareegin Real Betis.
Isagoo la hadlayay wargeyska reer Spain AS, Antony ayaa yiri:
“Anigu qofna uma shaqaynayn halkaas, kaliya naftayda ayaan u shaqaynayay.”
“Matheus Cunha wuxuu rabay inaan halkaas kula ciyaaro, laakiin xaaladdu aad ayay u adkayd”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment