
Kooxo ka tirsan Premier League-ga oo ay ku jiraan Manchester United iyo Liverpool ayaa lagu soo warramayaa in ay xiiseynayaan Antoine Semenyo.
Xiddiga Bournemouth ayaa saxiixay heshiis cusub xagaagii, taasoo ahayd guul weyn oo u soo hoyatay kooxda Cherries – balse hadda waxaa la sheegaya in heshiiskaas uu ka mid yahay qodob ogolaanaya in laga iibiyo haddii lacag gaar ah la bixiyo.
Semenyo, oo 25 jir ah, ayaa xilli ciyaareedkii hore u dhaliyay Bournemouth 11 gool, taasoo ahayd tii ugu badnayd ee uu ka dhaliyo hal xilli ciyaareed tan iyo markii uu beddelay booska Dominic Solanke oo la iibiyay.
Xilli ciyaareedkan, wuxuu haatanba leeyahay 6 gool Iyo 3 caawin ilaa haatan xilli ciyaareedka 7 kulan oo uu ciyaaray.
Waxqabadkiisaas ayaa mar kale kiciyay hadal heynta la xiriirta suurtagalnimada uu ugu wareegi karo koox kale, iyadoo kooxo waaweyn oo badan la fahamsan yahay inay danaynayaan xiddiga Ghana.
War wanaagsan oo u ah kooxaha sida Liverpool iyo Manchester United – kuwaasoo bartilmaameedsaday Semenyo xagaagii – ayaa ah in talkSPORT ay sheegtay in heshiiskiisa cusub ee shanta sano ah uu ku jiro qodob ogolaanaya in lagu daray shardi lagu bur-burin karo heshiiska.
In kasta oo shuruudaha rasmiga ah ee qodobkaas aan la shaacin, haddana waxaa la aaminsan yahay in kooxda Bournemouth ay ku qiimeyso weeraryahankooda ugu muhiimsan in ka badan £75 milyan.
Waxaa la sheegay in Bournemouth ay ogolaadeen in heshiiska Semenyo lagu daro qodobka lagu fasixi karo, maadaama ay taas u arkeen fursaddooda ugu wanaagsan ee ay xiddigan ugu qancin karaan inuu saxiixo heshiis dheer kadib bandhigyadiisii cajiibka ahaa xilli ciyaareedkii hore.
Be the first to comment