Andre Onana Oo Xiddig Ku Qancinaya In Uu Ku Soo Biiro Man United.

Xiddiga Man United Andre Onana ayaa isku dayaya inuu Bryan Mbeumo ku qanciyo inuu u dhaqaaqo Old Trafford.

Red Devils ayaa baadi goob ugu jirta saxiixa xiddiga Brentford laakiin waxa ay tartan kala kulmaysaa Spurs.

Sida laga soo xigtay Manchester Evening News, Onana ayaa ku dadaalaya sidii uu Mbeumo ugu qancin lahaa in uu United ka door bido Tottenham, iyada oo labadooduba ay wadaagaan xidhiidh dhaw maadama ay isku xul yihiin.

Kooxda Man United ayaa doonaysa in ay Mbeumo ka dhigto saxiixeeda 2-aad ee suuqa kala iibsiga xagaaga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga