Andre Onana Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Man United.

Andre Onana ayaa la sheegayaa inuu diyaar u yahay ka tagista Manchester United maalmaha soo socda, ka dib markii kooxda reer Turkey ee Trabzonspor ay dalbatay inay amaah ku qaadato goolhayaha.

Onana ayaa u saftay 102 kulan tan iyo markii uu ku biiray United bishii July 2023, balse wuxuu u muuqdaa mid lumiyay booskiisii koowaad ee shabaqa xilli ciyaareedkan, iyadoo tababaraha cusub Ruben Amorim uu doorbidayo ciyaaryahano kale.

Goolhayaha 29-jirka ah weli kama uusan bilaabin wax kulan ah oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, waxaana booskiisa la wareegay Altay Bayindir, inkasta oo uu la kulmay dhaleecayn ku aaddan qaab ciyaareedkiisa aan degganayn.

Onana kaliya hal kulan ayuu xilli ciyaareedkan kusoo bilowday — kulankii Carabao Cup ee ay la ciyaareen Grimsby Town, balse qaladaad kale oo uu sameeyay ayaa sii kordhiyay shakiga laga qabo mustaqbalkiisa muddada dheer ee Old Trafford.

Intaa waxaa sii dheer, saxiixii maalinta ugu dambeysay ee suuqa — Senne Lammens oo laga soo qaaday Royal Antwerp — ayaa laga yaabaa inuu si weyn u saameeyo fursadaha Andre Onana ee helista daqiiqado ciyaareed xilli ciyaareedkan.

Imaatinka Lammens wuxuu cadaadis dheeraad ah ku saaraya booska goolhayaha, taasoo sii xoojinaysa suurtagalnimada in Onana uu ka tago Manchester United ka hor inta uusan suuqa xirmin.

Go’aanka ah in la sii wado heshiiska haatan wuxuu hadda ku xiran yahay Andre Onana laftiisa, waxaana lagu soo waramayaa — sida uu qoray The Athletic — in goolhayaha reer Cameroon uu furfuran yahay inuu u wareego Trabzonspor si uu u helo fursado joogto ah oo uu kusoo bilowdo ciyaaraha.

Onana, oo hadda wajahaya tartan adag oo ka jira Manchester United, ayaa doonaya inuu dib u helo boos joogto ah oo shabaqa ah, taasoo ka maqan tan iyo markii uu Ruben Amorim la wareegay kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga