Andre Onana Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Man United.

Andre Onana ayaa iska caabin doona isku day kasta oo ay Manchester United ku doonayso inay ku iibiso xagaagan sida ay sheegayaan wararku.

Onana ayaa 18 bilood oo isku dhaf ah ku qaatay Old Trafford ka dib markii uu 47.2 milyan uga soo wareegay Ajax sanadkii 2023, isagoo sameeyay khaladaad aad u tiro badan oo hadheeyay qaab ciyaareed cajiib ah oo uu ku sameeyay goolka United.

Wararka ayaa sheegaya in macalinka cusub ee Ruben Amorim uu ka carooday Onana, waxaana uu riixayaa goolhaye cusub in la soo saxiixdo xagaagan.

Goolhayaha Royal Antwerp Senne Lammens ayaa lala xiriiriyay wuxuuna si cad u qirtay inuu tixgelin doono tallaabada.

Si kastaba ha ahaatee isku dayga Man United ayay dhirbaaxo la kulantay iyada oo Goolhaye Onana uu diidi doono in uu ka tago kooxda isaga oo doonaya in uu sii joogo kooxda.

Onana wuxuu doonayaa inuu sii ahaado goolhayaha koowaad ee United mana raadinayo inuu ka tago kooxda.

Waxa uu diidi doonaa dhammaan isku dayada Iyo dalabyada u imanaya si uu u sii joogo kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga