Ancelotti Oo Sharaxay Sababtii Ay Real Madrid Ula Soo Saxiixan Wayday Victor Osimhen

Waa maxay sababta ay Real Madrid ula soo saxiixan wayday Victor Osimhen xagaagii hore? Radio Seria A ayaa weydiiyay Carlo Ancelotti.

“Maxaa yeelay waxaan u maleynayaa in kooxdu ay u maleyneysay in bixitaankiisa Benzema lagu hagaajin karo saxiixa Bellingham,” ayuu ku jawaabay Ancelotti.

Real Madrid ayaa si xoogan loola xiriirinayay Osimhen xilli ciyaareedkii hore kadib markii uu Karim Benzema u wareegay Sucuudiga.

Laakiin kooxda ayaa diiday in ay la soo saxiixato xiddiga reer Nigeria iyaga oo doorbiday in ay la soo saxiixdaan xiddiga Jude Bellingham.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga