“Waxaan jeclaan lahaa in Kroos uu ku guuleysto Ballon d’Or, laakiin uma maleynayo inay taasi dhici doonto” ayuu yiri Carlo Ancelotti.
“Laakin malaha hadii uu ku guulaysto Champions League iyo Euro, maxaa diidaya? ayuu ku daray.
Vinicius Junior iyo Jude Bellingham ayaa haatan ah musharixiinta ugu cad cad ee ku guuleysan kara Ballon d’Or 2024.
Toni Kroos ayay u badan tahay inuu ku dhamaysan doono 10-ka xiddig ee ugu sareeya.
Hadii uu ku guulaysto Euro 2024 waxa kor u kici karta fursadaha Kroos ee ku guulaysiga abaalmarinta.
Toni Kroos ayaa xilli ciyaareedkan Real Madrid u dhaliyay hal gool waxana uu caawiye ka noqday 9 gool kale.
Be the first to comment