Amorimo Oo Ay Horudo La’aan Ku Dhacday, Sabab.

Tababaraha Kooxda Man United ee Ruben Amorim ayaa qirtay in ay hurdo la’aan ku dhacday sabab la xidhiidha qaab ciyaareedka liita ee kooxdiisa xilli ciyaareedkan.

Man United ayaa ku jirta xaalad adag iyada oo ku jirta qaab ciyaareed aad u liita ilaa haatan tartamada oo han.

Kooxda Man United ayaa laga badiyay 11 kulan premier League iyaga oo ku jira kaalina 13-aad ee kala saraynta premier League.

“Haa, runtii aad ayay u adag tahay, sida aan mararka qaar nalooga badinayo, Waan fahamsanahay inaan ciyaarnay ciyaaro badan tababar la’aan, laakiin xitaa markaa, macnaha guud, waxaan dareemayaa inaan wax ka qaban karno,”

“Marka aad tahay tababare, waxaad dooneysaa inaad guuleysato ciyaaraha ka dibna marka aad tahay tababare dareemaya waqtigaas dareenka guusha iyo inaad la qabsato wax walba marka aad la kulanto dhibaatooyinkan”.

“Runtii xaalku waa igu adag yahay, haatan way adagtahay in aan seexdo”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga