suuqa kala iibsiga ayaa xidhan laakiin kooxaha kala duwan ayaa wali si weyn loola xidhiidhinayaa xiddigaha.
Xiddigo badan ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha kuwaas oo doonaya in ay kooxo cusub ku biiraan suuqa January.
Manchester United ayaa rajeyneysa inay Ruben Amorim keento Old Trafford kulanka axada ee Premier League ee Chelsea ka dib markii ay soo bandhigeen xiisaha ay u qabaan Tababaraha Sporting (Times).
Amorim, si kastaba ha ahaatee, wuxuu qirtay inaan wax go’aan ah laga gaarin mustaqbalkiisa, waxaana la filayaa inuu sii ahaado tababaraha kooxda Portugal marka ay wajahayaan Estrela jimcaha (CNN).
Daafaca Barcelona Eric Garcia ayaa waxaa doonaya Real Sociedad iyo Girona, iyadoo hore uu u doonayo inuu amaah ugu dhaqaaqo xiddiga reer Spain bisha January (Mundo Deportivo).
Kyle Walker ayaa laga yaabaa inuu lumiyo booskiisa iyada oo Man City suuqa ugu jirto xiddigo garabka daafaca ka ciyaara (Football Insider).
Dhanka kale, Tottenham Hotspur ayaa isku dayi doonta inay xoojiso daafaceeda dambe bisha January waxaana ay suuqa ugu jirtaa daafac cusub (Football Insider).
Chelsea ayaa laga yaabaa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka Sporting Viktor Gyokeres, kaasoo diirada u saarnaa dhowr kooxood oo Yurub ah intii lagu jiray xagaagii, Waxa ay tartan kala kulmi karaan kooxaha Arsenal,Liverpool iyo Manchester City kuwaas oo sidoo kale doonaya xiddiga reer Sweden (Florian Plettenberg).
Gunners ayaa doonaysa in ay Emirates keento xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Leroy Sane marka uu heshiiskiisu dhacayo xagaaga (Football Insider).
Hadii uu Amirom noqdo tababaraha Man United waxa uu isku dayi doonaa in uu kooxdiisa Sporting ka soo qaato xiddigaha Goncalo Inacio, Pedro Goncalves iyo Marcus Edwards (Teamtalk).
Tababaraha ku meel gaarka ah ee United Ruud van Nistelrooy ayaa rajeynaya inuu ka tago kooxda marka la magacaabo Amorim (Independent).
Manchester City ayaa weli rajo ka qabta in Pep Guardiola uu kordhin doono sii joogistiisa tababarenimo, kooxda ayaana ku adkeysaneysa inaysan u dhaqaaqin saxiixa Amorim (Mail).
Cid kasta oo noqota Badalka Erik Ten Hag waxa uu heli doonaa lacag aad u yara si uu saxiixyo ugu sameeyo suuqa January (Guardian).
Manchester United ayaa xiiseyneysa saxiixa 23-jirka reer Canada ee daafaca dambeedka midig ee Alphonso Davies, laakiin ciyaaryahanka ayaa qarka u saaran inuu u dhaqaaqo Real Madrid (Sky Sports).
Man United ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddiga Atony kadib markii la caydhiyay Erik Ten Hag (Talksport).
Be the first to comment