
Tababaraha kooxda Manchester United Ruben Amorim ayaa eegaya in uu dhaafo niyad jabka hadda jira si uu diirada u saaro wakhtiga fog ee kooxda ee ku guulaysiga horyaalnimada 14-aad ee Premier League.
Dhammaan 13-kii guulood ee hore ee United waxa ay hoos imanayeen Sir Alex Ferguson, kaas oo wax ka beddelay ciyaartii Ingiriiska intii lagu jiray 27-sano oo uu ku sugnaa Old Trafford.
Red Devils ayaan waligeed ku guulaysan meel ka hoosaysa kaalinta 8-aad taariikhdeeda Premier League laakiin waxa la hubaa in ay ku dhamaysan karto xilli ciyaareedkan.
Man United ayaa ku jirta kaalinta 14-aad ee premier League iyaga oo 10 dhibcood ka hooseeya kaalinta 8-aad.
Kooxda Man United ayaa laga badiyay 12 kulan ka mid ah 27-ka kulan ee ay ciyaartay premier League xilli ciyaareedkan.
Sidoo kale Man United ayaa laga reebay FA Cup-ka waxana ay kaliya haysataa Europa League si ay ugu guulaysato koob ama ku guulaysiga koob.
Kadib ka hadhitaankii FA Cup, Amorim ayaa sheegay in uu ka shaqaynayo in ay Man United ku guulaystay Premier League mustaqbalka.
“Ujeedku aa in aan ku guulaysano premier League”ayuu Amorim yidhi.
“Sidaas darteed waan ogahay in aan lumineyno kulamada oo aan luminay koobab inta lagu guda jiro xilli ciyaareedkan laakiin ujeedku waa in aan ku guulaysano premier League mar kale”.
“Ma garanayo inta ay qaadanayso laakiin taasi waa ujeedkeena, Haddii aad sidaas u fekerto, wax yar ayaanu ku dhibtoon karnaa guuldaradan, marar badan. Laakiin waxaan leenahay hadaf, wax kasta oo ay tahay, waxaan sii wadeynaa inaan diirada saarno. Waa wax aan macquul aheyn in la ogaado [marka ay dhici karto. Waxaan bilaabayaa inaan si fiican u fahmo ciyaartoyda oo aan si fiican u fahmo horyaalka. Waan ogahay waxa aan ku sameeyo kooxda iyo mustaqbalka, waxaan arki doonaa mustaqbalka. “
Be the first to comment