Amorim Oo Sheegay Mawqifkiisa ku Aadan Joogista Casemiro Ee Man United.

Tababaraha Kooxda Man United ee Ruben Amorim ayaa ka hadlay fikirkiisa ku Aadan sii joogista Casemiro ee kooxda Man United.

Heshiiska Casemiro ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan walina heshiis cusub looma soo bandhigin ilaa haatan.

Sida laga soo xigtay TalkaSport, Ruben Amorim ayaa ku qanacsan in uu Casemiro sii joogo kooxda wixii ka dambeeya heshiiskiisa haatan.

Wararka ayaa sheegaya in uu Casemiro diyaar u yahay in uu hoos u dhigo mushaharkiisa si uu u sii joogo kooxda.

Xiddiga Casemiro ayaa ciyaaray 135 kulan ilaa haatan waxana uu kooxda u dhaliyay 20 gool halka uu 13 kale caawiye ka noqday.

Casemiro ayaa Man United kula guulaystay laba koob oo kala ah Carabao cup-ka Iyo waliba FA Cup-ka intii uu joogay kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga