
Tababaraha kooxda Manchester United Ruben Amorim ayaa war fiican ka helay qolka dhaawaca kadib markii ay bar-baro 1/1 ah la galeen Arsenal.
Tababaraha reer Portugal ayaan kaliya hoos u dhigin dhaawaca soo gaadhay Leny Yoro kaas oo ka baxay kulankii Gunners laakiin sidoo kale waxa uu sheegay in ay kooxdiisu dib u heli doonto Manuel Ugarte kulanka khamiista ee Europa League ay la ciyaari doonaan Real Sociedad.
Amorim waxaa lagu qasbay inuu ku beddelo Yoro oo uu ku beddelo Ayden Heaven intii u dhaxaysay”Leny waxa uu wax ka dareemay lugta”ayuu yidhi.
“Waxaan u maleynayaa inaan arki doono haddii uu diyaar yahay Khamiista.”
Amorim oo ka hadlaya taam ahaanshaha Ugarte ayuu yidhi”Waxa aan eegi doonaa in uu diyaar noqdo kulanka Khamiista”.
Be the first to comment