Amorim Oo Ka Warbixiyay Xaalada Bruno Fernandes Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay Kulankii Crystal Palace.

Tababaraha Manchester United Ruben Amorim ayaa Sheegay in uu Bueno Fernandes fiican yahay kadib Markii uu ku dhaawacmay Kulankii Crystal Palace.

Amorim wuxuu hoos u dhigay cabsi laga qabay in Fernandes uu dhaawac soo gaadhay intii lagu jiray guushii 2-1 ee ay Axaddii ka gaareen Crystal Palace.

Fernandes, oo caawiyay labada gool ee United, ayaa dhulka dhacay kaddib markii si xooggan loo laadey daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta.

Arrintan ayaa walaac ku abuurtay taageerayaasha ka hor kulanka xiga ee West Ham, maadaama lagu arkay isaga oo si dheer ula hadlayay tababarayaasha kooxda United.

Laakiin Amorim ayaa u sheegay TNT Sports: “Waxay ahayd laad.

“Anigu waan ku qeylinayay, ugu dambeynna waxaan sameynay beddel”.

“Wuxuu u baahnaa inuu la hadlo keydka, laakiin wuxuu sheegay inay ahayd kaliya laad, sidaas darteed wax walba waa fiican yihiin.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga