
Ruben Amorim ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in Manchester United ay ku guuleysato Champions League marka ay timaado suuqa kala iibsiga xagaaga.
United ayaa ku sugan Bilbao usbuucan si ay ula ciyaarto kooxda Athletic Club lugta hore ee semi-finalka Europa League.
Hadii ay United badiso waxa ay midkood la ciyaari doontaa Tottenham ama Bodo/Glimt final Europa League xilli ciyaareedkan.
ka hor suuqa kala iibsiga xagaaga oo Amorim uu rajeynayo inuu isbedel weyn ku sameeyo kooxdiisa, tababuruhu waxa uu ogyahay in u soo bixida Champions League ay qayb ka qaadan doonto, dhaqaale ahaan iyo haybad dheeraad ah, soo jiidashada ciyaartoyda.
“Ma jiraan wax badbaadinaya xilli ciyaareedkeena, laakiin tani waxay noqon kartaa mid weyn; ku guuleysiga koob,” ayuu u sheegay suxufiyiinta.
“Ka qayb-galka Champions League waxay bedeli kartaa waxyaabo badan oo kooxdeena ah xagaagan”.
Be the first to comment