Waxa ay maalmo yar inaga xigaan furitaanka suuqa January iyada oo kooxaha kala duwan isku diyaarinayaan in ay xoojiyaan kooxohooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.
Xiddigo badan oo kala duwan ayaa sidoo kale isku dayi doona in ay ku biiraan kooxo ay joogto ugu ciyaaraan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.
Hadaba waxa aan halkan ugu soo bandhigi doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga adiga oo si joogto ah maalin walba ugala socon doona kooxda.com.
Kooxda Chelsea ayaa diyaar la ah dalab han 43 milyan si ay u hesho daafaca Jeremy Jacque laakiin kooxda Rennes ayaa dalbanaysa lacag ka badan 60 milyan oo euro (RMC Sport).
Kooxda Liverpool ayaa wadahadalo la yeelatay Xabi Alonso si ay ugu badalaan Arne Slot (Mundo).
Liverpool ayaa doonaysa saxiixa xiddiga Khadka dhexe ee kooxda Newcastle Sandro Tonali (Deanjones).
Kooxda Arsenal ayaa doonaysa daafaca Bidix ee Nathaniel Brown Iyo daafaca dhexe ee Ousmane Diomande (Caught Offside).
Liverpool ayaa dareenkooda u jeedisay saxiixa daafaca kooxda Inter Milan ee Alessandro Bastoni kadib markii ay lumisay Marc Guehi (Teamtalk).
Kooxda Man United ayaa doonaysa in ay suuqa January keento xiddiga Khadka dhexe ee kooxda Al-Hilal ee Ruben Neves (Football Insider).
Liverpool ayaa indhaha ku haysa saxiixa xiddiga Khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Eduardo Camavinga (Fichajes).
Kooxda Man United ayaa diiday dalabyo badan oo u yimid daafaca Harry Maguire kana mid tahay kooxda Ac Milan (Sun).
Kooxda Man United ayaa aad ugu kalsoon in ay dhamaystiri doonaan saxiixa xiddiga Khadka dhexe ee kooxda Brighton Carlos Baleba (Sun).
Be the first to comment