suuqa kala iibsiga ayaa xidhan laakiin kooxaha kala duwan ayaa wali si weyn loola xidhiidhinayaa xiddigaha.
Xiddigo badan ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha kuwaas oo doonaya in ay kooxo cusub ku biiraan suuqa January.
Liverpool ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso Alisson iyo Caoimhin Kelleher xagaaga soo socda si ay isugu diyaariyaan imaatinka goolhayaha cusub ee Giorgi Mamardashvili kaas oo u dhaqaaqi doona Anfield ka dib markii uu dhamaado heshiiska amaahda ah ee Valencia (TBR Football).
Waxa sidoo kale laga yaabaa in uu Liverpool yimaado xiddiga garabka weerarka uga ciyaara Real Sociedad ee Takefusa Kubo (Fichajes).
Chelsea ayaa uga digtay Real Madrid inay u baahantahay 120 milyan oo euro si ay u hesho xiddiga khadka dhexe ee Enzo Fernandez (Defensa Central).
Sidoo kale waxa chelsea diirada u saaran daafacyada kooxda Barcelona ee Jules Kounde iyo Ronald Araujo (TBR Football).
Arsenal ayaa bartilmaameedkeeda ugu sareysa u aqoonsatay weeraryahanka Newcastle United Alexander Isak (TEAMtalk).
Manchester City ayaa raadineysa inay u dhaqaaqdo daafaca dhexe ee RB Leipzig Castello Lukeba (FootballTransfers).
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bayer Leverkusen Florian Wirtz ayaa u janjeera inuu 100 milyan oo euro ugu biiro Man City xagaaga soo aadan inkastoo ay xiiseynayaan labada kooxood ee Liverpool iyo Real Madrid (Caughtoffside).
Manchester United ayaa isku diyaarinaysa inay u bandhigto xiddiga garabka ka ciyaara ee Antony Real Madrid si uu qayb uga noqdo heshiiska ay kula soo wareegayaan khadka dhexe ee Turkiga Arda Guler (Defensa Central).
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Federico Valverde ayaa xiiso ka helaya kooxaha Man City iyo Liverpool (Fichajes).
Man Utd ayaan wali ka rajo dhigin in ay si xor ah kula soo saxiixato daafaca bidix ee kooxda Bayern Munich Alphonso Davies inkasta oo ay tartan weyn kala kulmeyso kooxda Real Madrid (Christopher Michel).
Aston Villa iyo Newcastle ayaa labaduba xiiseynaya saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Club Brugge Joel Ordonez (TBR Football).
Kooxda chelsea ayaan u dhaqaaqi doonin saxiixa Caoimhin Kelleher maadama tababare Enzo Maresca ku faraxsan yahay dookhyadiisa haatan (Give Me Sport).
Kooxda Liverpool ayaa suuqa January isku diyaarinaysa in ay bixiso lacagta lagu bur-burin karo heshiiska weeraryahanka Marcus Thuram ee u ciyaara Inter Milan (Gazzetta dello Sport).
Liverpool ayaa baanka u jabin doonta saxiixa xiddiga kooxda Eintracht Frankfurt ee Omar Marmoush (Give Me Sport).
Be the first to comment