Alisson: Salah Halkan Arin Ayuu Ugu Necebyahay In Uu Sameeyo Inta Ay Ciyaartu Socoto.

Goolhayaha Liverpool Alisson ayaa shaaca ka qaaday hal shay oo aanu Mohamed Salah jeclayn in uu sameeyo kadib markii uu Kooxdiisa ku hogaamiyay Guul ay k la gaadheen Bournemouth Kulan ka tirsanaa premier league.

Salah ayaa dhaliyay labada Gool ee ya kooxdiisu ku badisay iyaga oo 9 dhibcood oo cadaan ah si ku meel gaadh ah ugu qabtay hogaanka premier league.

Alisson ayaa sheegay in halka arin ee uu Salah neceb yahay in uu sameeyo ay tahay in uu daafaca galo.

Wuxuu u sheegay Sky Sports: “Goolkaas labaad waa tayada Salah, waan ognahay sida uu muhiim ugu yahay kooxda marka uu dhaliyo goolasha noocaan ah, laakiin waa inaan muujinaa shaqada adag ee uu u hayo kooxda, laakiin in uu difaacdo waa waxa kaliya ee uu ugu necebyahay in uu sameeyo”.

Salah ayaa dhaliyay 21 Gool ilaa haatan horyaalka premier league xilli ciyaareedka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga