
Alexander Isak ayaa shalay markii ugu horreysay tababar la qaatay saaxiibadiisa cusub ee Liverpool, kaddib markii uu ku soo biiray kooxda maalintii ugu dambeysay ee suuqa kala iibsiga.
Isak ayaa dhammeystiray heshiiskii £125 milyan ahaa oo gaari kara ilaa £130 milyan, kaas oo noqday rikoodhka ugu qaalisan ee kala iibsiga gudaha Britain, isagoo ku biiray Liverpool bilowgii bishan.
Si kastaba, isla markiiba waxaa loo qaaday Sweden si uu uga qeyb galo waajibaadka xulka qaranka.
Xiddiga 25 jirka ah ayaa lagu daray xulka Sweden ee isreeb-reebka Koobka Adduunka oo ay la ciyaarayaan Slovenia iyo Kosovo, inkastoo uusan gabi ahaanba u ciyaarin Newcastle inta lagu jiray xilli-ciyaareedkii hore iyo sidoo kale saddexdii kulan ee ugu horreeyay ee Premier League.
Isak ayaa kursiga keydka ku dhammeystay kulankii barbaraha 2-2 ee ay la yeesheen Slovenia Jimcihii hore, balse wuxuu helay daqiiqado ciyaar muhiim ah kulankii ay 2-0 kaga guuldarreysteen Kosovo saddex maalmood kaddib. Hadda Isak wuxuu diiradda saari karaa arrimaha kooxdiisa.
Xiddigaha caalamiga ah ee Liverpool ayaa si tartiib ah ugu soo laabanaya tababarka ka hor kulanka Premier League ee Axadda ay la ciyaari doonaan kooxda cusub ee Burnley.
Isak ayaa ka mid ahaa kooxdii ugu horreysay ee ku soo laabtay tababarka Arbacadii, iyadoo daqiiqaddii uu soo galay xarunta tababarka AXA ay sawir-qaadayaasha kooxda qabteen ka hor intii aan la bilaabin tababarka.
Tababarkii ugu horreeyay ee Isak uu ku sameeyo sidii ciyaaryahan Liverpool ah ayaa ku jiray shaqo jimicsi gudaha ah oo uu la wadaagay Joe Gomez iyo Federico Chiesa.
Be the first to comment