
Paul Scholes ayaa sheegay in Alexander Isak uu ka weyn yahay kana fiican yahay Arsenal wuxuuna magacaabay seddex kooxood oo uu weeraryahanka Newcastle ku biiro.
Tan iyo markii uu ku biiray Newcastle, Isak waxa uu noqday mid ka mid ah weeraryahanada ugu awooda badan kubada cagta Ingariiska.
Bandhigii wacnaa ee uu soo bandhigay xili ciyaareed kaan oo uu ku dhaliyay 17 gool oo Premier League ah ayaa ka dhigtay xidig si weyn looga baadi goobayo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.
Arsenal, gaar ahaan, waxa ay isha ku haysay 24-jirkan in muddo ah, si ay u xoojiso weerarkeeda. Gunners ayaa sahmisay suurtogalnimada ay kula soo saxiixan karto weeraryahan bishii Janaayo, laakiin Newcastle ayaa 100 milyan oo euro dalbatya.
Scholes ayaa hoos u dhigay fursadda Arsenal ay kula saxiixan karto xiddiga weerarka ka Ciyaara isagoo ku dooday in weeraryahanku uu hadafkiisa ka dhigo koox hammi weyn leh.
“Qof walba waa jecel yahay isaga laakiin ma arko suurtogalnimada uu ku aadayo Arsenal,” Halyeeyga Manchester United ayaa yiri.
“Waxa uu u baahan yahay in uu sii weynaado oo uu sii fiicnaado, waxa aanu halkan uga hadlaynaa Real Madrid, Liverpool waxa ay u baahan tahay weeraryahan dhexe, waxa aan filayaa in ay Arsenal noqon doonto dookh laakiin waxa aan filayaa in ay ugu hoosayso dookhyadiisa”.
“Uma jeedo taas si xun laakiin wuxuu joogaa Newcastle, koox aad u fiican, koox cajiib ah, laakiin ma doonayaan inay ku guuleystaan horyaalada, taasi waa marxaladda xigta ee xirfadiisa. Waxaan qabaa inay halis u tahay inuu aado Arsenal”.
Be the first to comment