suuqa kala iibsiga ayaa xidhan laakiin kooxaha kala duwan ayaa wali si weyn loola xidhiidhinayaa xiddigaha.
Xiddigo badan ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha kuwaas oo doonaya in ay kooxo cusub ku biiraan suuqa January.
Kooxda Man City ayaa wadahadalo horumar kula jirta weeraryahanka Erling Haaland si ay heshiis cusub uga saxiixato (Mirror).
Kooxda Man United ayaa doonaysa in ay Joshua Zirkzee u adeegsato soo xero galinta xiddiga kooxda Napoli amaahda uga maqan ee Victor Osimhen (Area Napoli).
Chelsea ayaa hogaamineysa tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Sporting CP Viktor Gyokeres (Fichajes).
Gyokeres ayaan xiiso u qabin ku biirista Manchester United maadama uu aaminsan yahay in uu heli doono dalabyo ka fiican (Sergio Krithinas).
Si la mid ah, garabka Bayern Munich Leroy Sane ayaa la rumeysan yahay inuusan dooneynin inuu u dhaqaaqo Man Utd, isagoo doonaya in uu badalkeeda ku biiro kooxda Arsenal (Caughtoffside).
Pep Guardiola ayaa heshiis afka ah la gaadhay Man City si uu u saxiixo heshiis 12 bilood oo dheeraad ah (Football Insider).
Iyadoo la filayo mustaqbalka Virgil van Dijk, Liverpool ayaa diyaar u ah inay kula dagaalanto Juventus saxiixa daafaca dhexe ee Ajax Jorrel Hato (TuttoJuve).
Markii ay ku dhawaadeen saxiixa Alphonso Davies, Real Madrid ayaa iska diiday fursad ay ku bixin karto qiimaha lagu bur-burin karo heshiiska daafaca kooxda Girona ee Miguel Gutierrez (Marca).
Arsenal ayaa diyaar la ah €90m oo u dhiganta (£75.2m) si ay ula soo saxiixato xiddiga Barcelona ee Raphinha laakiin waxa ay tartan adag kala kulmaysaa kooxda Liverpool oo Raphinha u doonaysa badalka Mohamed Salah (El Nacional).
Liverpool ayaa diyaar u ah in ay Trent Alexander-Arnold ka dhigto xiddiga ugu mushaharka badan England si ay heshiis cusub uga saxiixato xiddiga ugana hor istaagto Saxiixa Real Madrid (TBR Football).
Be the first to comment