Alejandro Garnacho Oo Ka Hadlay Dhaqankii Uu Kala Kulmay Ruben Amorim.

Garabka Chelsea, Alejandro Garnacho, ayaa sheegay inuu la kulmay “waqti adag noloshiisa” kadib markii tababare Ruben Amorim ka mamnuucay tababaraha Man United.

Wararka ayaa sheegaya in Amorim uu Garnacho u sheegay inuu raadsado koox cusub dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore, kaddib markii uu niyad-jabay sida uu uga dhaqmo garoonka iyo bannaankiisaba.

Garnacho waxa uu markii hore u muuqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu hibada badan ee Old Trafford, balse waxqabadkiisa ayaa hoos u dhacay dhamaadkii muddadiisii uu ku sugnaa kooxda.

Waxaa sidoo kale la rumeysan yahay in Amorim uu ka carooday dhaqanka Garnacho ee bannaanka garoonka, gaar ahaan kaddib markii isaga iyo walaalkiis ay su’aalo ka keeneen xeeladaha tababaraha kaddib guuldarradii final-ka Europa League.

Garnacho ayaa lagu daray liiska ciyaartoyda ka tagaya kooxda waxaana laga reebay tababarka kooxda koowaad, isagoo lagu qasbay inuu kaligiis tababarto intii uu waday wadahadallada kooxo doonayay saxiixiisa.

Xiddiga 21-jirka ah ayaa la hadlay TNT Sports kaddib guushii 1-0 ahayd, waxaana la weydiiyay wax ku saabsan bilihii ugu dambeeyay ee uu ku sugnaa Manchester United, xilligaas oo uu ka go’naa kooxda koowaad kadib markii uu Ruben Amorim ka saaray qorshihiisa.

Garnacho ayaa qirtay:

“Waxay ahayd waqti adag, anigoo kaligay tababaranaya,” ayuu yiri.

“Laakiin ma hayo wax xun oo aan ka sheego kooxda, kooxda aan horey ugu ciyaaray, Manchester United.

“Waxay ahayd kaliya waqti xun oo nolosha ka mid ah, laakiin hadda aad baan ugu faraxsanahay inaan halkan joogo, inaan ciyaaro tartankaan, iyo inaan maanta helnay saddexda dhibcood.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga