Alan Shearer wuxuu aaminsan yahay in Viktor Gyökeres uu mar kale goolal u bilaabi doono Arsenal, balse wuxuu ku adkaystay in uu “marna uusan gaari doonin” rikoodhkiisii uu ku sameeyay Sporting.
Gyökeres ayaa si fiican u bilaabay noloshiisa cusub ee Arsenal kaddib markii uu xagaagan £64 milyan kaga yimid Sporting, isagoo saddex gool dhaliyay afartii kulan ee ugu horeeyay remier League.
Si kastaba, weeraryahanka 27 jirka ah ayaan wax gool ah dhalin toddobadii kulan ee ugu dambeysay oo uu u saftay kooxda Mikel Arteta dhammaan tartamada.
Kulan ay 1-0 kaga badiyeen Fulham Sabtidii ayuu Gyökeres si xun u khasaariyay fursad gool laga filayay taasoo keentay in si xooggan loo dhaleeceeyo xirfadiisa farsamo tan iyo markii uu Premier League yimid.
Laakiin Alan Shearer wuxuu aaminsan yahay in xiddiga caalamiga ah ee Sweden, Viktor Gyökeres, uu durba saameyn wanaagsan ku yeeshay Arsenal, hase yeeshee wuxuu rumeysan yahay in uusan xilli ciyaareedkan ku celin karin tiradii goolasha ee uu xilli ciyaareedkii hore ka dhaliyay Sporting – 54 gool 52 kulan ah.
“Sheekadu ma aha inuu ka mid yahay heerka saddexda ciyaaryahan ee aan ku soo bandhignay muuqaalkii hore [Erling Haaland, Harry Kane iyo Kylian Mbappé], wuxuu ka fog yahay heerkaas,” ayuu yiri Alan Shearer isagoo ka hadlaya barnaamijka BBC’s Match of the Day.
“Laakiin waxaan aaminsanahay inuu keeno xoog iyo qaab ciyaareed kala duwan,” ayuu yiri Shearer. “Shaki kuma jiro inuu u baahan yahay inuu horumariyo awooddiisa gooldhalinta, sidaad sheegtay, wuxuu dhaliyay saddex gool oo keliya.”
“Laakiin mid ka mid ah xooggiisa uu Arsenal ku anfaco ayaa ah in uu dhab ahaantii orodka gadaal u galo,” ayuu yiri Shearer.
“Markuu taas sameeyo, wuxuu abuuraa meel bannaan oo ay ciyaartoyda kale ka faa’iideystaan, sababtoo ah xilli ciyaareedkii hore waxaad lahaydeen [Kai] Havertz ama [Mikel] Merino oo si joogto ah u soo gaabanayay, taasoo u sahleysay kooxaha kale inay si fudud u difaacdaan.”
Markii la weydiiyay haddii uu goolal dhalin doono, Shearer wuxuu ku jawaabay:
“Waxaan aaminsanahay inuu goolal dhalin doono, dabcan, balse marna ma gaari doono tiradii uu xilli ciyaareedkii hore dhaliyay.”
Be the first to comment