Alan Shearer Oo Qiimeeyay Fursadaha Chelsea Ee Premier League.

Alan Shearer ayaa sheegay in uusan ‘ku qanacsanayn’ in Chelsea ay sii wadi doonto tartanka ay ugu jirto ku guulaysiga premier League, waxaana uu daaha ka qaaday cidda uu ku taageerayo ku guuleysiga horyaalka Premier League.

Khubaro dhowr ah ayaa u sheegay Chelsea inay ku dhibtoon doonto xilli ciyaareedkan ka dib imaatinka tababaraha cusub ee Enzo Maresca iyo suuqa kala iibsiga oo fowdo ah.

Chelsea ayaa ku dhameysatay kaalinta lixaad xilli ciyaareedkii hore intii uu hogaaminayay Mauricio Pochettino, waxaana si weyn loo filayay inay ku dhameystaan meelo hoose xilli ciyaareedkan.

Blues ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah waxana xitaa loo arkaa koox u tartamaysa horyaalka premier League.

Chelsea ayaa aruursatay 34 dhibcood 16 kulan oo ay ciyaartay, waxaana ay dhaliyeen 37 gool, waana kooxda ugu badan ee horyaalka Premier League.

Inkasta oo Shearer la dhacsan yahay qaab ciyaareedka chelsea, ma arko in ay sidaas wadi doonaan inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

“Arne Slot waxa uu qabtay shaqo cajiib ah intii uu joogay Liverpool”ayuu yidhi.

“Waxa ay ahaayeen kuwo fiican sidaas darteed ma haysto dookh badan”.

“Waxa aan hubaa in ay chelsea si fiican u ciyaari doonto laakiin ayna u tartami doonin horyaalka”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga