Alan Shearer Oo Magacaabay Kooxda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga FA Cup, Mana Ahan Man City.

Alan Shearer ayaa Magacaabay Kooxda ugu cadcad ku Guulaysiga koobka Fa Cup xilli ciyaareedkan.

Sideed kooxood ayaa ku haray tartanka ugu faca weyn kubbada cagta kadib markii ay soo baxeen kulamo xiisa badan oo madadaalo leh wareegii shanaad.

Kooxda pep Guardiola mar hore ka hadhay tartamada premier league iyo champions League ayaa ku hadhay kooxaha Waaweyn ee premier league.

Man City ayaa ku aaday kooxda Bournemouth oo ku jirta qaab ciyaareed fiican kana badisay Man City xilli ciyaareedkan.

Shearer ayaa Saadaaliyay in ay kooxda Aston villa SI lama filaan ah ugu Guulaysato FA Cup xilli ciyaareedkan.

“Aston Villa waxa ay haysataa dookhyo weerar oo aad u wanaagsan, Unai Emery waxa uu ku beddelan karaa sidii ay doonayaan”ayuu yidhi.

“Waxa aan Aston villa u arkaa kuwa ugu cad-cad ku Guulaysiga koobka FA Cup”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga