Alan Shearer Oo Magacaabay Kooxda Kaliya Ee Arsenal Ka Hor Istaagi Kara Ku Guulaysiga Champions League Xilli Ciyaareedkan.

Alan Shearer ayaa sheegay in Arsenal ay “fursad aad u wanaagsan” ku leeyihiin Champions League-ga sanadkan — balse weeraryahankii hore ee England wuxuu aaminsan yahay in Paris Saint-Germain ay ku guuleysan doonto difaacashada horyaalnimadooda.

Arsenal ayaa sii waday bilowgoodii qumman ee Yurub kaddib markii ay guul ka gaareen Inter Milan iyagoo 3–1 ku garaacay kooxdii ku dhammaatay kaalinta labaad xilli ciyaareedkii hore, taasoo ka dhigtay inay lix dhibcood ku hormaraan hoggaanka jadwalka wajiga horyaalka.

Gudaha horyaalka dalkana, sheekadu waa mid la mid ah, iyadoo ragga Arteta ay si raaxo leh ugu fadhiyaan hoggaanka Premier League-ga, isla markaana ay leeyihiin farqi toddobo dhibcood ah oo ay ku horreeyaan kooxaha ugu dhow.

Laakiin kooxda Waqooyiga London marar badan ayaa niyad-jab ku dhacay sannadihii u dambeeyay intii uu Arteta hoggaaminayay, waxayna og yihiin in koobab la qaado aysan marnaba ahayn wax la hubo — kaddib saddex xilli-ciyaareed oo xiriir ah oo ay ku dhammeysteen kaalinta labaad ee horyaalka Ingiriiska.

Waxay hadda ka soo wareegtay 22 sano tan iyo markii Arsenal markii ugu dambeysay ku guuleysatay Premier League-ga, markaas oo kooxdii caanka ahayd ee Arsene Wenger ee loo yiqiin “Invincibles” ay dhammaatay xilli-ciyaareed dhan iyagoo aan hal kulan laga badin.

Dhanka Champions League-gana, guuldarradii xanuunka badnayd ee final-kii 2006 ay kala kulmeen Barcelona ayaa weli ah natiijadii ugu fiicnayd ee abid ay gaaraan kooxda — rikoor aan la jeclayn oo ay kooxda Arteta doonayso inay saxdo xilli-ciyaareedkan.

kadib markii ay Arsenal garaacday Inter Shearer ayaa sheegay in ay PSG tahay kooxda kaliya ee Arsenal ka hor istaagi karta ku guulaysiga champions League.

“Shaki kuma jiro in kooxdan caawa, Arsenal, ay leeyihiin fursad aad u wanaagsan oo ay halkaas ku gaari karaan,” ayuu Shearer ku yiri barnaamijka Amazon Prime ee Champions League ka hor guushii Gunners ee Talyaaniga.

“Laakiin waxaan u maleynayaa, marka la eego wixii PSG sameeyeen sannadkii hore iyo ciyaartoyda ay haystaan, in yar ayaan u janjeerayaa PSG.

“Laakiin Arsenal aad ugama fogaan doonto.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga