Alan Sheare OO Magacaabay Kooxda Ku Qasban In Ay Ku Guulaysato Premier League Xilli Ciyaareerdkan.

Weeraryahankii hore ee kooxda Newcastle United, Alan Shearer, ayaa sheegay in Arsenal ay qasab tahay inay xilli ciyaareedkan ku guuleysato horyaalka Premier League.

Kooxda Gunners ayaa dhowr jeer u soo dhowaaday hanashada koobka, balse waxay saddexdii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay ku dhameeyeen kaalinta labaad.

Si kastaba ha ahaatee, Mikel Arteta ayaa kooxdiisa ku soo daray ciyaartoy ay ka mid yihiin Eberechi Eze, Noni Madueke, Piero Hincapie, Martin Zubimendi, Viktor Gyokeres, iyo Cristhian Mosquera.

Shearer ayaa aaminsan in Arteta uu ogyahay in ay jirto filasho ah inuu soo afjaro sugitaanka dheer ee Arsenal ee hanashada horyaalka.

“Waa in sanadkan uu noqdaa sanadkii Arsenal ay ku guuleysan lahayd Premier League”

“Waxay ku bixiyeen lacag aad u badan, waxayna saddexdii sano ee la soo dhaafay ku dhameeyeen kaalinta labaad. Sidaas darteed waan ognahay, Arteta-na wuu ogyahay, in indhaha oo dhan ay isaga saaran yihiin, isla markaana uu khasab ku yahay inuu sanadkan horyaalka guuleysto.”

“Marka aad bixiso lacagta ay bixiyeen, kaalinta labaad ma aha wax ku filan”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga