Alan Pardew Oo Magacaabay Saxiixa Ugu Fiican Ee Premier League ilaa Haatan.

Tababarihii hore ee Newcastle United, Alan Pardew, ayaa doortay saxiixa ugu fiican ee ay sameeyeen kooxaha premier League.

Tababaraha reer England ayaa aaminsan in saxiixa cusub ee Arsenal, Viktor Gyokeres, uu yahay saxiixii xagaaga ee Premier League.

Pardew ayaa sheegay in Gyokeres uu yahay xiddig ay Arsenal u baahanahay si ay ugu guulaysato koobab.

Waxa uu ku faraxsan yahay in Gunners ay dhameystirtay saxiixa weeraryahanka kaasoo uu xusay inuu ku dhalin karo labada lugood iyo madaxiisa.

Waxa uu yiri, “Anigu waxaan ahay taageere weyn, waxaan u maleynayaa inay tahay saxiixa xagaaga marka la eego weeraryahan sababtoo ah waxaan u maleynayaa inuu qabto shaqooyinka wuxuu ku fiican yahay cagaha, wuxuu dhameynayaa dhammaan seddexda ficil, lugta bidix, lugta midig, madaxa, waa mid wanaagsan”.

“Waa saxiix weyn oo Arsenal ah, runtii aad u fiican”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga