Agaasimaha Cusub Ee Man United Oo La Kulmay Badalka Erik Ten Hag.

Agaasimaha ciyaaraha ee Manchester United Dan Ashworth ayaa wadahadalo kula jira Graham Potter.

The Sun ayaa sheegaysa labada Nin oo ka soo wada shaqeeyay Brighton ay kulmeen maamihii la soo dhaafay.

Potter, oo shaqo la’aan ahaa tan iyo markii laga ceyriyay Chelsea xilli ciyaareedkii hore, ayaa ah dookha maamulka Man United si uu u badalo Ten Hag.

Potter iyo Ashworth ayaa aad isugu dhaw maadama ay ka soo wada shaqeeyeen Brighton.

Tababarihii hore ee Chelsea Potter ayaa iska diiday dhawr dalab oo u yimid isaga oo sugaya dalabka saxda ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga