Ka hor tartanka Koobka Qaramada Afrika (AFCON) ee December 2025, xidigii hore ee xulka Ghana, Asamoah Gyan, ayaa magacaabay saddex waddan oo uu u arko kuwa ugu cadcad inay hanan karaan koobka.
Wuxuu aaminsan yahay in Nigeria, Ivory Coast iyo waddanka martigelinaya tartanka, Morocco, ay yihiin kuwa si gaar ah uga dhex muuqda tartanka.
Gyan ayaa sidaas sheegay xafladda abaalmarinta CAF oo lagu qabtay Morocco habeenkii Arbacada.
Weeraryahankii hore ayaa muujiyay niyad-jab ku saabsan sida dalkiisu ugu guuldarreystay inay u soo baxaan tartanka Qaramada Afrika.
“Waxaan leenahay dalal waa weyn oo halkaas tegaya. Ghana waa laga saaray tartanka waana arrin nagu niyad jabtay, balse waa hagaag, waxaan u soo baxnay Koobka Adduunka,” ayuu yiri.
Gyan, oo muddo dheer ahaa kabtanka Black Stars, ayaa xusay in Nigeria ay si weyn uga dhex muuqatay AFCON-kii ugu dambeeyay ee lagu qabtay Côte d’Ivoire.
“Nigeria si fiican ayey u ciyaartay, waxayna aad ugu dhawaatay labada sano ee la soo dhaafay. Ivory Coast-na si fiican ayey u sameysay, waxaana jira kooxo badan oo wanaagsan,” ayuu yiri.
Gyan oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri:
“Morocco sidoo kale waa tartame awood leh oo si fiican u ciyaaraya. Sidaas darteed waxaan oran karaa saddexdan dal ee aan soo sheegay — Nigeria, Ivory Coast, iyo Morocco — ayaa ah kuwa ugu cadcad.”
Be the first to comment