
AC Milan ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Casemiro xagaagan.
Casemiro ayaa wacdaro dhigay xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Man United ka dib markii uu kooxda kaga soo biiray Real Madrid xagaagii 2022.
Si kasta ha ahaatee waxa uu qaab ciyaareedka ku dhibaatooday labadiin xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay taas oo keentay in uu kaydka galo.
Casemiro, oo qandaraaskiisu dhacayo 2026, ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo suuqa kala iibsiga ee January, laakiin heshiiska ayaan dhicin.
Sida laga soo xigtay Fichajes, Milan ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo xiddigii hore ee Real Madrid ka hor xilli ciyaareedka 2025-26.
Kooxda reer talyaani ayaa aad u doonaysa in ay soo qaadato xidig khadka dhexe ah oo khibrad u leh kaas oo ku haboon nidaamka Sergio Conceicao ee San Siro.
Be the first to comment