Aaron Ramsdale Oo Qiimeeyay Fursadaha Arsenal Ee Ku Guulaysiga Champions League.

Aaron Ramsdale ayaa Arsenal ku taageeray in ay ku guulaysato champions League xilli ciyaareedkan xilli ay isku diyaarinayaan kulanka Semi-final-ka.

Kooxda Mikel Arteta ayaa garanaysa PSG Waxana ay 2/0 uga badiyeen kooxda reer France kulamadii wareega Horyaalka Kai Havertz iyo Saka ayaa dhaliyay goolasha kulankii North London Ka dhacay, Arteta ayaana rajaynaya in ay xiddigihiisu sidaas sameeyaan kulanka Salaasada.

Markii la weydiiyay inuu qiimeeyo fursadaha Arsenal ee ku guuleysiga tartanka, goolhayihii hore ee Arsenal Ramsdale ayaa ku jawaabay:”Waa mid weyn”.

“Waxaan filayaa in taageere kasta oo Arsenal ah iyo ciyaartoydu ay xaqiiqdii iska taageereen kulankii Real Madrid, waxayna muujiyeen waxa ay ka qaban karaan kooxdaas”.

“Waxay horay u garaaceen PSG taasina kalsooni ayay siinaysaa taasi”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga