Goolhayaha Arsenal, David Raya, ayaa qirtay in xirfaddiisu ay si weyn u leexan lahayd, isagoo shaaca ka qaaday inuu ku dhowaaday inuu ku biiro Bayern Munich ka hor inta aysan Arsenal saxiixin.
Ciyaaryahanka reer Spain ayaa hadalkan jeediyay ka hor final-ka Carabao Cup ee Axadda ay la ciyaarayaan Manchester City ee ka dhacaya garoonka Wembley.
30-jirkan ayaa amaah uga yimid Brentford una wareegay Arsenal si rasmi ah sanadkii 2024.
Raya wuxuu u sheegay Sky:“Waxaan aad ugu dhawaa inaan ku biiro koox kale ka hor inta aanan ku biirin Arsenal”
“Nasiib wanaag, taasi ma dhicin, sidaas darteed Arsenal ayaa dalab ii soo dirtay. Kooxdaasi waxay ahayd FC Bayern,” ayuu raaciyay.
Raya ayaa bandhig fiican u sameeyay kooxda uu tababaro Mikel Arteta tan iyo markii uu ku biiray kooxda Waqooyiga London ee Premier League, wuxuuna hadda yahay goolhayaha koowaad ee kooxda.
Be the first to comment