Khabiirka kubadda cagta ee Gary Neville ayaa kaftan ka sameeyey Alf-Inge Haaland, aabbaha weeraryahanka Manchester City, Erling Haaland, kaddib markii lagu arkay isagoo dhex fadhiya taageerayaasha City kulankii ay 3-0 kaga badiyeen Liverpool garoonka Anfield.
Neville oo falanqayn ka waday Sky Sports ayaa yiri: “Waxaa laga yaabaa inuu iska fogeynayo madaxda sare ee Manchester City.”
Kaftanka ayaa yimid xilli Manchester City ay wajahaysay dhaleeceyn la xiriirta in lagu helay in ka badan 100 jebin oo xeerarka maaliyadeed ee Premier League ah.
Erling Haaland ayaa furay goolasha kaddib casaankii Ryan Gravenberch, halka Jeremy Doku iyo Rayan Cherki ay dhammaystireen guusha 3-0, Guushan ayaa Manchester City u xaqiijisay inay sii hoggaamiso Premier League, iyadoo lixdii kulan ee ay ciyaartay dhammaantood badisay, kana horreysa Arsenal oo saddex dhibcood ka dambaysa.

