Ciyaartoyda Real Madrid ayaa si degdeg ah u farageliyay markii Vinícius Júnior kaarka cas la siiyay kulankii Villarreal, si looga hortago inuu muran dheeraad ah la galo garsooraha Isidro Díaz de Mera.
Garsooraha ayaa gool uu Vinícius dhaliyay ka baabi’iyay kaddib markii VAR ay muujisay inuu timaha ka jiiday Saliba, ciyaaryahan ka tirsan Villarreal, waxaana dhacdadaas kadib la siiyay kaarka cas.
Sida ay qortay wargeyska Marca, Federico Valverde, Arda Güler iyo Aurélien Tchouaméni ayaa Vinícius ka fogeeyay garsooraha, iyagoo u jihaynayay dhanka qolka labiska.
Dhanka kale, Antonio Rüdiger ayaa dhex istaagay Vinícius iyo garsooraha, halka Endrick uu xiddiga reer Brazil ku weheliyay marinka qolka labiska si uusan dib ugu soo laaban ama u sii wadin mudaharaadka.
Real Madrid ayaa ugu dambayn ciyaarta ku badisay 1-0, waxayna gaartay 18 dhibcood, iyadoo kaalinta saddexaad kaga jirtay horyaalka La Liga.

