Dolores Aveiro, hooyada xiddiga reer Portugal Cristiano Ronaldo, ayaa ka hadashay khilaafka dhexmaray wiilkeeda iyo Jorge Jesus, iyadoo sheegtay in Ronaldo uusan helin qaddarinta uu mudan yahay.
Wareysi ay siisay majaladda Portugal ee TV 7 Dias, Dolores ayaa tiri: “Wiilkaygu wuxuu ka bixi karay albaabka hore, balse wuxuu ka baxay albaabka dambe. Si kastaba, dhib ma leh, Ilaahay ayaa arrinta xallin doona.”
Waxay intaas ku dartay in Ronaldo uu mar walba geesi u ahaa Portugal, balse aan loo qiimeyn sida ku habboon kaalinta uu kubadda cagta dalka ku leeyahay.
Khilaafka ayaa ka dhashay go’aankii Jorge Jesus ee ahaa inuusan Ronaldo ciyaarsiin kulankii Norway, inkastoo weeraryahanku uu muddo ku dhow 30 daqiiqo kululeynayay jirkiisa. Ronaldo ayaa ka carooday go’aankaas, wuxuuna 30-kii Sebtembar ka baxay xerada xulka qaranka.
Arrintan ayaa dhalisay dood xooggan oo ka dhex taagan taageerayaasha Portugal, iyadoo hooyada Ronaldo ay si cad u muujisay inay taageersan tahay wiilkeeda.

