Xiddiga Barcelona iyo xulka Spain Dani Olmo ayaa la sheegay inuusan qorsheynayn inuu ka tago Barcelona, xitaa haddii Bayern Munich ay u soo bandhigto dalab weyn suuqa kala iibsiga ee Janaayo.
Sida ay qortay Marca, Bayern Munich ayaa si dhow ula socota Olmo, iyadoo kooxda Jarmalku ay ka fiirsanayso inay dalab rasmi ah ka gudbiso ciyaaryahanka, kaasoo horey uga soo ciyaaray Bundesliga isagoo u saftay RB Leipzig.
Si kastaba, warbixintu waxay sheegaysaa in Olmo uusan xiisaynayn ku biirista Bayern Munich, isla markaana uusan qorsheynayn inuu ka tago Barcelona.
Barcelona dhankeeda sidoo kale ma doonayso inay iibiso ciyaaryahanka reer Spain, kaasoo loo arko mid ka mid ah ciyaartoyda muhiimka ah ee kooxda.
Olmo ayaa ilaa hadda Barcelona u saftay 96 kulan, isagoo dhaliyay 20 gool isla markaana sameeyay 20 caawin.

