“Ciyaartii ugu dambeysay” Messi oo Argentina ku hoggaamiyay guul weyn 3-0 ay kaga adkaatay Benin

0

Lionel Messi ayaa si xusuus leh kusoo xiray waayihiisa xulka Argentina, kaddib markii uu ka qayb qaatay dhammaan saddexda gool ee Argentina ay 3-0 kaga adkaatay Benin, kulan ka dhacay Buenos Aires, Kulankan ayaa ahaa kii ugu dambeeyay ee Messi u ciyaaro xulka Argentina, kaddib markii uu ku dhawaaqay inuu soo afjarayo waayihiisa ciyaaraha caalamiga ah.

Taageerayaal aad u badan ayaa isugu soo baxay garoonka si ay u sagootiyaan xiddigooda, iyadoo qoyskiisa iyo carruurtiisuna ay goob joog ka ahaayeen munaasabaddan taariikhiga ah, Messi ayaa ka muuqday mid aad u qiirooday ka hor ciyaarta, isagoo ilmeynayay xilli la qaadayay heesta qaranka Argentina.

Advertisment

Markii ciyaartu gaartay daqiiqaddii 10-aad, oo astaan u ahayd lambarka caanka ah ee Messi, ciyaartoyda iyo taageerayaasha ayaa si wadajir ah u istaagay una sacbiyay xiddiga, Waxay ahayd daqiiqad gaar ah oo lagu sharfayay Messi iyo sannadihii uu xulka Argentina u soo ciyaaray.

Inkasta oo uu ahaa kulankiisii sagootinta, Messi wuxuu garoonka ku muujiyay inuu weli door weyn ku leeyahay kooxda, Daqiiqaddii 48-aad, Messi ayaa sameeyay caawintii ugu horreysay, isagoo kubadda u dhigay Nicolás Otamendi, kaas oo dhaliyay goolka furitaanka.

Daqiiqaddii 61-aad, Messi ayaa mar kale sameeyay caawin, markanna wuxuu kubadda u diyaariyay Nico Paz, kaas oo dhaliyay goolka labaad ee Argentina, Kadib, daqiiqaddii 71-aad, Messi ayaa isagii shabaqa taabtay, isagoo rigoore u dhaliyay Argentina, taasoo noqotay goolkiisii ugu dambeeyay ee uu u dhaliyo xulka qaranka, Sidaas darteed, Messi wuxuu kulankiisii ugu dambeeyay ku dhammeystay hal gool iyo laba caawin, isagoo si toos ah uga qayb qaatay saddexda gool ee Argentina.

Messi wuxuu xulkiisa Argentina kula guuleystay koobab waaweyn oo ay ka mid yihiin Koobkii Adduunka 2022, Copa América 2021 iyo 2024, iyo Finalissima, Kulankii Benin ayaa sidaas noqday cutubkii ugu dambeeyay ee safarkiisa xulka Argentina, iyadoo taageerayaashu ay si gaar ah u xuseen ciyaaryahanka muddo sannado ah astaan u ahaa kubadda cagta Argentina.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here