KASHIFAAD :- Piers Morgan oo shaaciyay sababta khilaafka Ronaldo iyo Jorge Jesus

0

Wariye iyo daadihiyaha caanka ah Piers Morgan ayaa faahfaahin ka bixiyay sababtii Cristiano Ronaldo uga baxay xerada xulka Portugal, isagoo sheegay in khilaafka xiddiga iyo tababare Jorge Jesus uu salka ku hayay ballanqaadyo la sheegay in tababaraha uu ka baxay.

Morgan ayaa sheegay in Ronaldo markii uu go’aansaday inuu sii wato ciyaaraha xulka Portugal loo ballanqaaday inuu ciyaari doono labada kulan ee ugu horreeya, kadibna nasasho la siin doono labada kulan ee xiga. Kulankii koowaad, Ronaldo ayaa la filayay inuu ciyaaro 90 daqiiqo, balse waxaa laga saaray daqiiqaddii 67-aad.

Advertisment

Sida Morgan sheegay, Jesus ayaa raalli-gelin ka bixiyay arrintaas, balse kulankii Norway, Ronaldo waxaa loo sheegay inuu ciyaari doono qiyaastii 30 daqiiqo, Ronaldo ayaa kulankaas kululeynayay muddo ku dhow 25 daqiiqo, laakiin ugu dambeyn lama gelin ciyaarta.

Morgan wuxuu sheegay in arrinta Ronaldo aysan ahayn inuu doonayo inuu kulan kasta kusoo bilowdo, balse ay ahayd arrin ixtiraam iyo ballanqaadyo la fuliyo, Ronaldo ayaa markii dambe ka baxay xerada Portugal kuna laabtay kooxdiisa Al-Nassr.

Si kastaba, hadalka Morgan waxaa ka hor yimid Simon Jordan oo ku eedeeyay inuu arrinta si dhinac ah uga hadlayo sababo la xiriira sida uu Ronaldo u taageero, Dhanka kale, Ronaldo ayaa weli suuragal ah inuu dib ugu laabto xulka Portugal, iyadoo Jorge Jesus uu sidoo kale muujiyay inuu doonayo in khilaafka la dejiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here