Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona, Frenkie de Jong, ayaa soo kabanaya dhaawac jilibka midig ah, iyadoo kooxda ay rajaynayso inuu dib ugu soo laabto tababarka ka hor kulanka Getafe ee La Liga.
De Jong ayaa muddo garoomada ka maqnaa kadib markii laga dhaawacay jilibka xilli uu la joogay xulka Netherlands intii lagu jiray Koobka Adduunka 2026, War kasoo baxay warbaahinta Spain ayaa sheegaya in De Jong loo qorsheeyay inuu Isniintii qayb weyn ka qaato tababarka kooxda, balse roobab xooggan iyo xaaladda cimilada awgeed tababarka garoonka ayaa la joojiyay, waxaana lagu sameeyay gudaha xarunta jimicsiga.
Waxaa la filayaa in Talaadada uu De Jong garoonka kula tababarto saaxiibadiis haddii xaaladda cimiladu saamaxdo, Baaritaanno hore ayaa muujiyay inuu De Jong qabo jeex ku yimid seedka dhinaca gudaha ee jilibka midig, iyadoo Barcelona ay dooratay daaweyn aan qalliin ahayn.
Barcelona ayaa haatan hoggaanka La Liga ku haysa 21 dhibcood, iyadoo guuleysatay toddobadii kulan ee ugu dambeeyay, waxaana kooxda Hansi Flick ay doonaysaa inay sii wadato guulaha marka ay Getafe la kulanto.

